Monday, March 23, 2026

Iiraan oo sheegtay in Trump ku been abuurtay xilli uu ku celcelinayo wadahadallo uu la galay iyaga

Iiraan oo sheegtay in Trump ku been abuurtay xilli uu ku celcelinayo wadahadallo uu la galay iyaga

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu hadda ka fiirsaneyso suurtagalnimada in la gaaro “heshiis ballaaran” oo la xiriira dagaalka ka socda Iiraan.

Trump wuxuu intaas ku daray, isagoo hadal ka jeediyay gobolka Tennessee, inuu aaminsan yahay in Iiraan ay ogolaatay inay ka tanaasusho fikradda ah inay hesho hub nukliyeer ah.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Iiraan ay haysato “hal fursad oo kale” oo nabadeed, isaga oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cidda ay Mareykanku la xaajoonayaan.

Trump wuxuu sii raaciyay: “Waxaan rajeyneynaa inay ka faa’iideysan doonaan fursaddan, waxaana markaas sii badnaan doona ammaanka Mareykanka iyo dunida oo dhan, sidoo kalena meeraha ayaa noqon doona mid ammaan badan.”

Dhanka kale, Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan Maxamed Baqer Qalibaf ayaa beeniyay in wax wadahadallo ah ay dhaceen, isaga oo ku tilmaamay wararka la xiriira wadaxaajoodyadan kuwo “laga been abuurtay.”



Dowladda Ingiriiska oo xaqiijisay in saldhig ciidamadoodu joogaan Iiraan weerartay

Dowladda Ingiriiska oo xaqiijisay in saldhig ciidamadoodu

 joogaan Iiraan weerartay



Wasiirka Difaaca ee dalka Ingiriiska, John Healey, ayaa maanta u xaqiijiyay xubnaha baarlamaanka in Iiraan ay Jimcihii ridey laba gantaal oo ku wajahanaa saldhigga milatari ee wadajirka ah ee Ingiriiska iyo Mareykanka ee Diego Garcia ee ku yaalla Badweynta Hindiya.

Wuxuu baarlamaanka u sheegay: “Subax hore oo Jimce ahayd, laba gantaal oo Iiraan leedahay ayaa loo ganay dhanka Diego Garcia.”

“Mid ka mid ah ayaa dhacay ka hor inta uusan gaarin bartilmaameedkiisa, halka kan kalena la soo riday ka hor inta uusan gaarin bartilmaameedkiisa.”

Wuxuu intaas ku daray in labada gantaal midkoodna uusan xitaa gaarin Diego Garcia.

Wasiirka Difaaca ayaa sidoo kale yiri: “Ingiriisku looma baahnayn inuu tallaabo qaado, hawlgalladuna waxay u socdaan si caadi ah.”

Ilaalada Kacaanka Iiraan oo faahfaahiyay weerarro ay ku qaadeen saldhigyo Khaliijka ku yaalla

 

Ilaalada Kacaanka Iiraan oo faahfaahiyay weerarro ay ku qaadeen saldhigyo Khaliijka ku yaalla


Ciidamada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay inay beegsadeen goobo kala duwan oo ku yaalla Israa’iil iyo saddex saldhig milatari oo Mareykanku leeyahay.

Qoraal lagu baahiyay wakaaladda wararka Tasnim oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka ayaa lagu sheegay in ay beegsadeen “waqooyiga, bartamaha iyo koonfurta” Israa’iil iyaga oo adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn .

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in la beegsaday saddex saldhig oo milatari oo Mareykanku leeyhaya, kuwaas oo kala ah: Saldhigga Cali Saalim ee Kuwait, Saldhigga Al-Kharj ee Sacuudi Carabiya, iyo Saldhigga Al-Dhafra ee Imaaraadka Carabta.

Ilaa hadda, Israa’iil, Kuwait, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Mareykankuba ma aysan xaqiijin sheegashooyinka Ilaalada Kacaanka.







Friday, March 20, 2026

Top 10 Ballon d’Or 2025: Ousmane Dembélé Oo Ku Guuleystay

 

Top 10 Ballon d’Or 2025: Ousmane Dembélé Oo Ku Guuleystay

Falanqayn dhammaystiran oo ku saabsan liiska 10-ka ciyaaryahan ee ugu sarreeya Ballon d’Or 2025.

Ballon d’Or waa abaalmarin kubadda cagta lagu bixiyo sannad kasta si loo garto ciyaaryahanka ugu fiican adduunka. Qiimeynta waxaa lagu saleeyaa waxqabadka shaqsiga, guulaha kooxdiisa iyo saameynta uu ku yeesho garoonka.

Sannadka 2025, tartanku wuxuu ahaa mid aad u xiiso badan, iyadoo ciyaartoy da’yar iyo kuwa khibrad leh ay isku heleen. Ugu dambeyn, Ousmane Dembélé ayaa taariikh sameeyay isagoo qaaday abaalmarinta, halka Lamine Yamal iyo xiddigo kale ay safka hore kaga jiraan liiska Top-10.

Xafladda Ballon d’Or 2025 waxay dhacday 22 September 2025, Ousmane Dembélé ayaa ku guuleystay Ballon d’Or-ka ragga markii ugu horreysay. Dhinaca haweenka, Aitana Bonmatí waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee saddex sano isku xigta ku guuleysata Ballon d’Or.


Maxaa Ka Soo Kordhay Kiiska Cunsuriyadeed ee Vinicius Junior?

 

Maxaa Ka Soo Kordhay Kiiska Cunsuriyadeed ee Vinicius Junior?


Vinicius Junior oo Ku Eedeeyay Benfica Ciyaaryahankeeda Cunsuriyad, UEFA Oo Baaritaan U Furaysa Kiiskaan

Kiiska cunsuriyadeed ee la xiriira Vinicius Junior ayaa weli ah mid si weyn looga hadal hayo guud ahaan kubadda cagta Yurub. Dhacdadan ayaa ka dhacday ciyaartii u dhexeysay Real Madrid iyo Benfica ee tartanka UEFA Champions League.

Weeraryahanka Real Madrid, Vinicius Junior ayaa sheegay in ciyaaryahan ka tirsan Benfica uu ku yiri hadal aflagaado ah oo la xiriira midabka maqaarkiisa. Dhacdadan awgeed, ciyaarta ayaa hakad la geliyay muddo gaaban si loo hubiyo xaaladda loona raaco xeerarka ka hortagga cunsurinimadda ee UEFA.

Vinícius ayaa si cad u cambaareeyay falkaasi, isagoo sheegay in kubadda cagta aysan meel u lahayn cunsuriyad. Wuxuu ugu baaqay hay’adaha kubadda cagta inay qaadaan tallaabo adag si loo joojiyo falalka noocan ah.

Dhinaca kale, ciyaaryahanka la eedeeyay ayaa beeniyay eedaha loo jeediyay, isagoo sheegay in hadalkiisa si khaldan loo fahmay. Kooxdiisa Benfica ayaa sidoo kale muujisay inay taageersan tahay ciyaaryahankooda ilaa baaritaanka la soo gabagabeynayo.

Kiiskan ayaa sababay dood ballaaran oo ku saabsan cunsuriyadda kubadda cagta dhexdeeda. Ciyaartoy badan, oo ay ku jiraan Kylian Mbappé, ayaa si cad u sheegay in cunsuriyaddu noqon karto mid aan la aqbali karin, waxayna dalbadeen tallaabooyin adag haddii eedeymaha la xaqiijiyo.

Dhanka kale, tababaraha José Mourinho, oo tababare u ah Benfica, ayaa ka hadlay cunsuriyadda. Wuxuu xusay in Eusébio, ciyaaryahankii ugu taariikhda weyn kooxda, uu ahaa Madow. Sidaas darteed, Benfica ma noqon karto koox cunsuri ah.”

Baaritaan Rasmi kiisa Vinícius Jr ah

Hay’adda kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah u furtay baaritaan. Waxaa la magacaabay kormeerayaal anshaxeed si loo ururiyo caddeymaha iyo warbixinada ciyaarta. Halka Real Madrid ay UEFA u dirtay dhammaan caddeymaha ay hayso si loo xoojiyo eedeymaha Vinícius Jr.

Kubadda cagta waa inay noqotaa meel mideysa dadka, kana fog takoor iyo naceyb. Kiiskan ayaa mar kale iftiimiyay baahida loo qabo tallaabooyin adag oo lagula dagaallamo cunsuriyadda.

Manchester United oo Hogaaminaya Saxiixa Gabriel Veneno

 

Manchester United oo Hogaaminaya Saxiixa Gabriel Veneno


Manchester United ayaa hore safka hore ugu jirto xiddiga da’da yar Gabriel Veneno

Manchester United aya si weyn ugu dadaalaysa si ay ugu la soo saxiixdaan xiddiga reer Brazil ee da’da yar, Gabriel Veneno. Dhanka kale, warbixinnadu waxay muujinayaan in kooxo kale ee igu waa weyn Yurub ay xiiseynayaan saxiixiisa.

Veneno, oo ka tirsan kooxda Atlético Mineiro, ayaa sanadkii 2025 dhaliyay in ka badan 80 gool. Sidaa darteed, waxaa lagu tilmaamay mid ka mid ah ciyaartoyda da’da yar ee ugu firfircoon Brazil. Tani waxayna ka dhigtay in la xiiseeyo ciyaaryahanka.

Xiisaha Veneno waxaa muujiyey kooxaha Premier League-ga sida Arsenal, Chelsea, iyo Manchester City. Waxa sido kale xiiseynaya kooxaha Yurub sida Barcelona iyo Bayern Munich. Sidaa darteed, tartanka loogu jiro saxiixiisa ayaa noqonaya mid aad u adag laacibkan so if-baxaya.

Istiraatiijiyadda Manchester United ay ku doonayso saxiixiisa

Manchester United, kooxdu waxay u arkaan Veneno inuu yahay xiddig jiilkiisa ugu muhiimsan. Waxay qorsheeyeen in xiriir joogto ah lala yeesho wakiilkiisa mudada ugu dhaqsiyaha badan. Inkasta oo xeerarka FIFA aysan oggolaan doonin in uu u guuro Yurub ilaa uu gaaro 18 sano, United waxay diyaarsanayaan qorshe ay kuso xiro galiyaan.

Si loo ilaaliyo Veneno, Atlético Mineiro ayaa heshiis dheer la saxiixatay, kaasoo usii joogi doono ilaa 2028. Si kastaba ha ahaatee, 12–18 bilood ee soo socda ayaa noqon doona kuwo muhiim ah Gabriel Veneno., iyadoo kooxaha waaweyn ay isku diyaarinayaan heshiisyo horudhac ah.

Ugu dambeyntii, haddii Manchester United ay ku guuleysato saxiixiisa, waxay noqon doontaa guul muhiim ah kooxda. Sababtoo ah tani waxay muujinaysaa sida ay uga go’an tahay horumarinta ciyaartoyda da’da yar iyo dhisidda mustaqbal adag.

Dhanka kale, Gabriel Veneno waxaa la saadaalinayaa inuu noqdo mid ka mid ah hibada ugu xiisaha badan ee ka soo baxda Brazil. Haddii uu sii wado qaab ciyaareedkiisa sare, waxaa suurtagal ah inuu si degdeg ah uga dhex iftiimo kubadda cagta Yurub.

Real Madrid aya qorsheynaysa Saxiixa Khadka Dhexe Ee Rodri

 

Real Madrid aya qorsheynaysa Saxiixa Khadka Dhexe Ee Rodri

Real Madrid Oo Indho-indheenaysaa Ciyaayahanka Khadka Dhexe ee Kooxda Man City Ee Rodri

Kooxda Real Madrid ayaa la sheegay inay raadinayso ciyaaryahan khadka dhexe ee Man City Rodri si ay u xoojiso kooxdeeda. Ciyaaryahankan ayaa noqday mid ka mid ah magacyada si joogtada ah loola xiriirinayo kooxda Real Madrid wuxuuna noqday bartermaameedka kowaad ee kooxda.

Xiisaha Kooxda Los Blancos ee Rodri wuxuu imaanayaa xilli ay kooxda si tartiib tartiib ah u beddelayso khadkeeda dhexe. Iyadoo qaar ka mid ah ciyaartoydii waayo-aragnimada lahaa ay gaboobayaan, inkastoo isagana ku jiro waayihiisa ugu danbeeyay.

Si kastaba ha ahaatee, saxiixiisu ma sahlanaan doono. Manchester City waxay Rodri u aragtaa ciyaaryahan aad muhiim u ah, waxayna u badan tahay inay dalban doonto lacag aad u badan haddii ay jirto suurtagalnimada iibkiisa.

Rodri wali wuxuu xiriir wanaagsan la leeyahay kooxda City, wuxuuna qayb muhiim ah ka yahay qorshahooda mustaqbalka. Sidaas darteed, wararka ku saabsan suurtagalnimada heshiiskan wali waa kuwo aan la hubin.

wararka ku saabsan suurtagalnimada heshiiskan wali waa kuwo aan la hubin. Rodri wuxuu diiradda saarayaa kooxdiisa halka Real Madrid sidoo eegi doonto ciyaartoy kale haddii heshiisku noqdo mid aad u adag.

Real Madrid Oo Xulatay Saddex Ciyaaryahan oo Khadka Dhexe Ah

Kooxda ku ciyaarta Santiago Bernabéu waxay qorsheynayaan xoojinta khadka dhexe xagaaga, inkastoo Rodri laga yaabo inaysan si dhab ah raadin. Wararka ayaa sheegaya in Vitinha, Adam Wharton, iyo Kees Smit ay ka mid yihiin ciyaartoyda ay Madrid si dhow u eegayso.

Kooxda reer Spain ayaa dhibaato ka dareentay xakamaynta khadka dhexe tan iyo markii Toni Kroos si rasmi ah uga fariistay kubadda cagta 2024. Tasoo kooxda ku noqotay caqabad hortaala

Kees Smit oo ka tirsan AZ Alkmaar ayaa si weyn loogu amaanay maskaxdiisa ciyaarta iyo aragtidiisa. Qaab ciyaareedkiisa ayaa qaar ka mid ah tababarayaasha la barbardhigeen Pedri, taasoo muujinaysa tayadiisa kubadda horumarinta.

Man City Oo Go’aan Ka Gaartay Mustaqbalka Foden Iyo Silva

 

Man City Oo Go’aan Ka Gaartay Mustaqbalka Foden Iyo Silva


Manchester City ayaa qaatay laba go’aan oo kala duwan oo ku saabsan mustaqbalka xiddigaha muhiimka ah Bernardo Silva iyo Phil Foden.

Man city waxay isku diyaarinaysaa xagaagan inuu noqdo mid weyn. Mustaqbalka Pep Guardiola weli mugdi ayuu ku jiraa, taasoo keentay in ciyaartoy badan ay ka fikiraan beddelka kooxda. Ciyaartoyda sida Nathan Aké, John Stones, iyo Rodri ayaa laga yaabaa inay raadiyaan kooxo kale.

Kooxda ayaa tixgalinaysa mustaqbalka muddada-dheer ee xiddiga Phil Foden, oo qandaraas kula jira kooxda ilaa 2027, xilli ciyaareedkan ma uusan helin fursado joogto ah. Sida laga soo xigtay The Athletic, xaaladdiisa ayaa keentay inay noqoto mid dhibaato ku ah kooxda.

Si kastaba ha noqotee, Man City waxay qorsheyneysaa inay Foden iyo Erling Haaland qayb ka noqdaan wejiyada mashruucooda cusub. Waxay Foden siin doonaan fursado, inkastoo uu qaab ciyaareedkiisa liito sanadkan.

Man City ayaa ka gudbi doonta Silva

Bernardo Silva ayaa ku jira qorshe kale. In kasta oo uu weli muhiim u yahay kooxda, qandaraaskiisu wuu dhamaanayaa. Matteo Moretto ayaa sheegay inay kooxda wali ay bilaabin wada-hadallo qandaraas cusub oo la xiriira laacibka.

Garoonka Etihad waxaa ka socda qorsheynta isbeddel cusub. Horraantii toddobaadkan, ilo ka yimid Paraguay ayaa sheegay in khadka dhexe ee Brighton, Diego Gomez, loo aqoonsaday inuu noqon karo beddelka Bernando Silva. Waxaa la sheegay in wada-hadallo hordhac ah ay hore u bilaabmeen.

Ciyaaryahanka da’da yar ee u dhashay Paraguay, ayaa awood u leh inuu ka ciyaaro bartamaha iyo garabyada, sido kale ciyaaryahanka xilli-ciyaareedkan wuxuu dhaliyay 10 gool oo aad u cajaa’ib badanaa – in kastoo shant gool ka mid ah ay ka yimaadeen labo kulan oo Carabao Cup ciyaaray.

Cristiano Ronaldo Oo Saami Ka iibsaday Koox Spanish Ah.

 

Cristiano Ronaldo Oo Saami Ka iibsaday Koox Spanish Ah.


Ronaldo Oo Saami Ku Yeeshay Koox ka dhisay heerka labaad ee horyaalka Spain.

Xiddiga caanka ah ee kubadda cagta, Cristiano Ronaldo, ayaa la sheegay inuu saami ka iibsaday koox ka dhisan Spain. Tani waxay muujinaysaa inuu si rasmi ah u galay dhinaca maalgashiga iyo lahaanshaha kooxaha kubadda cagta.

Ronaldo hore taariikh cajiib ah ayuu uga sameeyay Real Madrid CF iyo horyaalka La Liga. Hadda, wuxuu dib ugu soo laabanayaa Spain, laakiin markan ma aha ciyaaryahan.

Intii uu joogay Madrid, wuxuu noqday gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda kooxda. Wuxuu ku guuleystay koobab badan, oo ay ku jiraan Champions League iyo La Liga. Taariikhdiisu waxay ka dhigtay mid ka mid ah xiddigaha ugu weyn kubadda cagta caalamka.

Hadda, Ronaldo wuxuu si rasmi ah u iibsaday 25 boqolkiiba saami ku dhisan kooxda UD Almería, oo ka ciyaarta horyaalka labaad ee Spain (Segunda División). Maalgashigan ayaa loo maray shirkaddiisa CR7 Sports Investments iyo SMC Group. Tani waa qayb ka mid ah qorshihiisa dheer ee uu doonayo inuu kaalin weyn ka yeesho maamulka iyo lahaanshaha kooxaha kubadda cagta.

Ronaldo oo hore wuxuu lahaa ganacsiyo kala duwan sida hoteello, meelo dhar lagu iibiyo, iyo xarumo jimicsi. Hadda wuxuu diiradda saaraya lahaanshaha koox kubadeed. Waxa uu rabaa inuu noqdo maalgaliye iyo milkiile kooxeed.

Maxay Tani Ka Dhigan Tahay?

Maalgashiga Ronaldo wuxuu kordhin karaa sumcadda iyo taageerada caalamiga ah ee kooxda. Taageerayaashiisa malaayiinta ah ayaa laga yaabaa inay xiisaynayaan kooxda. Tani waxay sare u qaadi kartaa dakhliga iyo fursadaha xayeysiinta.

Sidoo kale, waayo-aragnimada Ronaldo ee kubadda cagta waxay u noqon kartaa dhiirigelin iyo tusaale muhiim u ah ciyaartoyda kooxda, gaar ahaan da’yarta raba inay gaaraan heer caalami.

In kasta oo Ronaldo weli si firfircoon ugu ciyaaro Al Nassr FC, talaabadan cusub waxay muujinaysaa inuu diyaar garoobayo nolol ka dambeysa ciyaaraha. Waxa uu diiradda saaraya ganacsiga iyo maamulka kubadda cagta.

Khubarada kubadda cagta waxay aaminsan yihiin in tani ay noqon karto bilowga qorshe weyn. Mustaqbalka, Ronaldo wuxuu noqon karaa milkiile buuxa ama maamule sare oo kubadda cagta ah.

Arsena

Robert Lewandowski Oo Jabiyay Rikoodh Ay Messi Iyo Ronaldo Horay U Dhigeen Champions League.

 

Robert Lewandowski Oo Jabiyay Rikoodh Ay Messi Iyo Ronaldo Horay U Dhigeen Champions League.


Weeraryahanka Kooxda Barcelona Robert Lewandowski  ayaa jebiyay rikoor ay horay u hayeen Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ee UEFA Champions League.

Lewandowski ayaa laba gool (brace) dhaliyay markii Barcelona ay 7-2 ku garaacday Newcastle United kulankii lugta labaad ee wareegga 16-ka ee lagu ciyaaray Camp Nou.

Sida ay sheegtay ESPN FC, Newcastle waxay noqotay kooxda 41-aad ee kala duwan ee Lewandowski ka dhaliyay Champions League, taasoo ka dhigaysa inuu jebiyo rikoor ay wada hayeen Messi (40 kooxood).

Lewandowski ayaa sidoo kale ka horreeya Cristiano Ronaldo oo ku jira kaalinta saddexaad, isagoo Ronaldo ka dhaliyay 38 kooxood oo kala duwan intii uu ka ciyaaray Yurub.