
Sabti, Maarso 14, 2026 (HOL) - Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saaka weerar ku qaaday koox ciidamo ah oo ka gadoodsan mushaar la’aan, kuwaas oo tan iyo shalay xiray waddada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho.
Iska hor imaad muddo kooban socday kaddib ayay ciidamada Puntland ku guulaysteen inay dib u furaan waddada, iyadoo ciidamada gadoodsan ay ka carareen goobta ay ku sugnaayeen 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidamadii waddada xiray uu ku dhaawacmay iska hor imaadka.
Furitaanka waddada ayaa suurageliyay in dib u bilowdo isu socodkii gaadiidka ee ku xayirnaa labada dhinac ee jidka laamiga ah, kuwaas oo ciidamadii gadoodsan ay u diideen inay ka gudbaan muddadii ay waddada haysteen.
Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa Puntland ka soo noqnoqday in ciidamo ka cabanaya mushaar la’aan ay xirtaan waddooyinka muhiimka ah si ay cadaadis ugu saaraan dowladda in ay ka jawaabto cabashadooda.
Hase yeeshee, tallaabada maanta ayaa noqoneysa markii ugu horreysay ee ciidamada ammaanka ay awood u adeegsadaan ciidamo kale oo xirtay waddooyinka.
Maamulka gobolka Bari ayaa horey u sheegay in ciidamada waddooyinka xirta ay yihiin ciidamo beeleedyo hore uga qayb qaatay dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad.
Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in ciidamadaas loo qorsheeyay in ay maraan tababar iyo carbin ciidan, balse ay diideen inay galaan tababarka, taasoo keentay khilaafka hadda jira.
No comments:
Post a Comment