Dowladda Soomaaliya oo qaaday tallaabo ka dhan ah dadka ka macaasha beerlayda
Wararka24: Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa sheegay in dowladda ay joojin doonto lacago sharci darro ah oo laga qaado beerlayda, isla markaana tallaabo adag laga qaadi doono dadka ka macaasha.
Wasiirka ayaa tilmaamay in dadka loo yaqaan gate keeper-ka ee ka faa’iideysta beerlayda lana xiriiriya kaararka mucaawinada la xiri doono, laguna qaadi doono tallaabo sharci ah.
“Cid kasta oo dadka beeraha kasoo kaxaysa oo lacag ka qaadata si ay u helaan kaarar mucaawino ah waa la xirayaa,” ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu sidoo kale sheegay in ay jiraan dad si khiyaano ah uga faa’iideysta beerlayda, iyagoo u ballanqaada shaqooyin ama fursado kale, balse markaas kadib ka qaata lacago.
Dhanka kale, wasiirka ayaa ka digay xaalado saameyn ku yeelan kara amniga cuntada, isagoo xusay in colaadaha caalamka ay wiiqeen sahayda cuntada.
Wuxuu tilmaamay in mararka qaar dalal horey cunno uga iibin jiray Soomaaliya ay diideen inay sii wadaan, gaar ahaan xilliyo ay jireen caqabado caalami ah.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay hadda xoogga saareyso kor u qaadista wax soo saarka gudaha, si loo yareeyo ku tiirsanaanta dibadda.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo beeraha iyo sugidda amniga cuntada ee dalka.
No comments:
Post a Comment