Monday, April 13, 2026

 

Kadib heshiisyadii shidaal-qodista ee dhex-maray Kooxda Gurguurte iyo dowlada Turkiga iyo tallaabadii Ankara ay markabka qoda shidaalka ugu soo dirtay Soomaaliya, ayaa waxaa isa soo taraya hanqal-taagga ay dowladaha dullaanka ku jooga dalku uq abaan boobka kheyraadka Soomaaliya.
Jeneraal Muhoozi Kainerugaba oo ah taliyaha guud ee ciidanka Uganda sidoo kalane ah wiil uu dhalay madaxweynaha dalkaasi Yuweri Musafani, ayaa sheegay in dowladdoodu ay dhankooda ka doonayso shidaalka Soomalaiya.

Jeneraal Muhoozi oo hadallo kala duwan ka jeediyay fagaarayaal ayaa dowlada Turkiga ku edeeyay in iyado kaligeed ka faa'idaysanayso kheyraadka Soomaaliya iyagana ay dalkan kaga baxday dhiigga kumanaan askari oo Ugaandhiis ah.

Mashaariicda dhaqaale ee Turkidu ka heleen Soomaaliya ayuu sidoo kale taliyaha guud ee ciidanka Uganda sheegay in ay ku heleen dhiigga askartooda hadii kalane aysan arintaasi suuroobi laheyn sida uu warka u dhigay.

Isaga oo dalbanaya in qeybtooda Uganda laga siiyo howlaha shidaal-qodista ah ee Turkidu wadaan ayuu Jeneraal Muhoozi uu dhanka kalane u goodiyey xukumadda daba-dhilifka ah ee garwadeenka uu ka yahay Rajab Dayib Ordugan.

"Ciidankayaga waan kala baxeeynaa Soomaaliya bal aan aragno sida Turkidu ay Soomaaliya uga badbaadiyaan Al shabaab." Ayuu Jeneraal Muhoozi.

Wuxuu sidoo kale sheegay in haddii aan la aqbalin dalabaadkiisa ay ka fiirsan doonaan in ay xiraan safaarada dowlada Turkidu ay ku leedahay caasimadda Uganda ee Kampala.

No comments:

Post a Comment